CEDO

Siyaasadda Galaangal U Helidda Luuqadda Magaalada Burlington

Siyaasadda Galaangal U Helidda Luuqadda Magaalada Burlington

Ka dhigitaanka Magaalada Burlington mid uu galaangal u heli karo qof waliba!  

Taariikhda iyo Seeska Sharciyeed ee Galaangal U Helidda Luuqadeed

Magaalada Burlington waxa ka go'an inay siiyaan galaangal u helid luuqadeed dhammaan dadka reer Burlington. Marka la eego tan, waxa jira saddex amar oo federaal oo taageera yoolkan.

Kuwaas oo kala ah: 

  • Xeerka Xuquuqda Rayidka 1964, Title VI

  • Xeerka Ameerikaanka Naafada ah ee 1990, Title II

  • Amarka Fulina Federaalka 13166 (2000)

Guddiga Magaalada Burlington waxa ay cuskadeen "Go'aanka Qorshaha Kala Duwanaanta iyo Sinaanshaha" Oktoobar 20, 2014. Qayb kamid ah yoolka go'aanku waxa uu ahaa in la sameeyo hagitaano iyo mabaadii' Magaalada oo dhan ah si loo hubiyo in wacyigelinta iyo adeegyadu ay yihiin kuwo loo dhan yahay oo gaadha bulshooyinka kala duwan, laga tirada badan yahay, iyo kuwa la faquuqo.

Guddiga Magaalada Burlington waxa ay si loo dhan yahay ku ansixiyeen Siyaasadda Galaangal U Helidda Luuqadda (LAP) Noofembar 9keedii, 2020 taas oo ka dhigtay ilaalinadan kuwo cad. Yoolka LAP waa in uu ka dhigo Magaalada mid ay galaangal u heli karaan dadka luuqaddooda koowaad aanay ahayn Ingiriisi iyo kuwa leh naafanimada la xidhiidha hadalka, iyaga oo galaangal ku helaya qaab wakhtiga munaasab ku ah oo macno leh macluumaadka, barnaamijyada, iyo adeegyada Magaalada.

Bixinta adeegyada luuqadda iyo kuwa kale ee galaangal u helidda oo habboon waxa ay ballaadhisaa yoolka ka dhigista Burlington Magaalo loo siman yahay, loo dhan yahay oo kala duwan. Xafiiska Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Burlington (CEDO) ayaa masuul ka ah dhaqangelinta Siyaasadda Galaangal U Helidda Luuqadda ee Magaalada.

Tiro Ahaan

Magaalada Burlington waxa ay hoy u tahay isku jir dad kala duwan oo taageero uga baahan kara galaangal u helidda adeegyada Magaalada. Xaaladuhu isku wada mid ma aha fudaydinada waxa loo sameeyaa qaab kiis-kiis ah.

Khayraadka Xogta: U.S. Census, 2020U.S. Census 2016-2020U.S. Census 2016-2020

 

Adeegyada Luuqadda iyo Kuwa Kale ee Galaangal U Helidda ee Magaalada/CEDO

Yoolkayagu waa inaanu siino qof walba galaangal u helid macno leh oo ah adeegyada, fursadaha, iyo dhukumentiyada muhiimka ah ee magaalada iyo sidoo kale inaanu ka taageerno waaxaha Magaalada saddex aag oo kala duwan:

1) Fasiraadda Luuqadda

Waa maxay fasiraadda luuqaddu? Marka aad dhegaysato hal luuqad oo kadibna aad ku sheegto waxa la yidhi luuqad kale.

Wixii adeegyo fasiraad luuqadeed ah, oo ay kamid tahay Luuqadda Dhegoolka Maraykanka (ASL), ee la xidhiidha ballamaha, kulannada ama munaasabadaha magaalada, waxa aad kala xidhiidhi kartaa CEDO taleefanka ah: 802-865-7144 ama iimeylka ah: languageaccess@burlingtonvt.gov. Waxa lagu talinayaa in la ogolaado ugu yaraan laba toddobaad oo hore si loo bixiyo adeeggan.

2) Turjumaadda Luuqadda

Waa maxay turjumaadda luuqaddu? Marka aad qaaddo qoraal oo aad u beddesho luuqad kale. Qoraalka turjumani waxa uu muuqaal ka bixiyaa macnaha qoraalka asalka ah inta ugu badan ee macquulka ah.

Wixii adeegyada turjumaadda luuqadeed ah, ee la xidhiidha foomamka iyo dhukumentiyada magaalada ee muhiimka ah, waxa aad kala xidhiidhi kartaa CEDO taleefanka ah: 802-655-7144 ama iimeylka ah: languageaccess@burlingtonvt.gov. Waxa lagu talinayaa in la ogolaado ugu yaraan laba toddobaad oo hore si loo bixiyo adeeggan.

 

Akhri Macluumaad Dheeraad ah!

Siyaasadda Galaangal U Helidda Luuqadda ee Magaalada Burlington

Ka Qaybqaado!

Haddii aad jeclaan lahayd inaad wax dheeraad ah ka ogaato Siyaasaddayada Galaangal U Helidda Luuqadda ama inaad noo soo dirto ra'yi-celin, fadlan naga la soo xidhiidh iimeylka ah languageaccess@burlingtonvt.gov ama taleefanka ah 802-865-7144.